Odayaasha beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka hor yimid qorshe ay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya beelaha ugu qeybisay tirada odayaasha soo xulaya ergada shirka oo Wadani.com ay soo bandhigtay.
Beelaha ka carooday tirada odayaasha soo gaaray waxaa ka mida: Gaaljecel, Ujeejeen, Gugundhabe iyo beelo kale oo wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay inuu si khaldan oo aan la qaadan karin wax u qeybiyay.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Jowhar ka sheegay in waxa Jowhar ka socda aanay aqbali karin oo ay dacwad gaarsiinayaan madaxweynaha Soomaaliya, wixii ka yimaada shirkaasna uu mas’uul ka yahay Wasiirka arrimaha gudaha.
HALKAN KA AKHRISO SIDA ODAYAASHA SOO XULAYA ERGADA SHIRKA LOO QEBIYAY
Ergada ka timid gobolka Hiiraan ayaa ku goodiyay inay qaadacayaan shirka haddii aan wax laga qaban wasiirka arrimaha gudaha, waxaana xaaladda sii cakiray markii beelo aan degaan ku lahayn labada gobol tiro laga siiyay odayaasha.
Wadani.com