Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa mar kale isugu tegaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba si loo dhameystiro heshiis laga gaaro qaabka doorashada baarlamaanka cusub ee 2016.
Beesha caalamka ayaa u qabatay madaxda Soomaalida inay heshiis uga gaaraan arrintan ka hor 28-ka Bishan Janaayo, waxaana wararku sheegayaan in xukuumadda Soomaliya iyo Axmed Madoobe aya isku hayaan goobta shirka lagu qabanayo mid waliba doonayo in fadhigiiisa lagu qabto, laakiin waxaa marti gelinta shirka ku adkeystay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo lagu dhameystirayo shirka.
Wararkii ugu danabeeyay ayaa sheegaya in 23-ka bishan ay madaxdu mar kale ku laaban doonaan Kismaayo si ay heshiis uga gaaraan qaabka doorashada iyagoo aan markan heysan wax kale oo aan ka ahayn inay heshiis gaaraan.
Wadani.com