Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saaka ka baxay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose, waxaana sidoo kale ka baxay ciidamada maamulka Jubba.
Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Cabdirashiid Cabdullaahi Gooni oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Kenya ay saaka isaga baxeen degmada,mana faahfaahin sababta keentay inay ka baxaan Badhaadhe.
Ciidamada Alshabaab ayaa isla markiiba dib uga la wareegay degmada Badhaadhe iyagoo dadka degaanka khudbad u jeediyay, una sheegayaan inay la shaqeeyaan Xarakada Alshabaab. Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq ciidan ay wadaan oo aysan jirin meel ay ka baxeen, wararka la faafinayana aysan xaqiiqo ahayn.
Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay aadeen dhanka xuduuda ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, toddobaadyo ka hor ayey ahayd markii Alshabaab gudaha u galeen Saldhig Ceel-cadde ay ku laheeyeen ciidamada Kenya oo ay sheegeen inay ku dileen 100 Askari oo Kenyaati ah.
Saldhiga Badhaadhe ayaa noqonaya kii labaad oo Ciidamada Kenya isaga baxaan, waxayna sidoo kale isaga baxeen shalay Saldhigii Ceel-cadde ee dhawaan Alshabaab ku weerartay.
Wadani.com