Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa shir guddoomiyay shir ay yeeshaan hogaamiyeyaasha dalalka Bariga Afrika.
Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda dalka Burundi ee kacsan, iyadoo madaxda dalalka Bariga Afrika ee ka qeyb galaya shirka ay hore ugu direen madaxweynaha Uganda oo aan weli ku guuleysan waanwaan uu ka dhex waday dhinacyada Burundi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dalka Burundi iyo madaxdiisa inay ka shaqeeyaan xasiloonida kala fogaadaan colaad.
Wadani.com