Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»C/weli Gaas: “Wax heshiis ah oo la gaaro ma jiro, laakiin waxaa isku afgaranay……” WARSAXAAFADEED

    C/weli Gaas: “Wax heshiis ah oo la gaaro ma jiro, laakiin waxaa isku afgaranay……” WARSAXAAFADEED

    February 11, 2016Updated:February 11, 20163 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Puntland aya war ay soo saartay ku sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo dhex maray wakiilada beesha Caalamka iyo madaxda Puntland, laakiin la isku afgartay in dib la isugu so laabto.


    HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA GAROWE

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyo Waftigii uu hoggaaminayey Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa maanta 11-Feb-2016 Shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee caasimda Garoowe.

    Madaxweynaha Dawadda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay sagootinayaan Waftigan ballaaran ee beesha caalamka ka socda, kuwaas Puntland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

    Madaxweynaha ayaa xusay in waftigan ka socdey Beesha Caalamku intii ay ku sugnaayeen Garoowe inay la kulmeen qaybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland isla markaana ay si dhab ah u arkeen aragtida shacabka Puntland, welibana dadkii ay la kulmeen dhammaantood ay ahaayeen dad si dhab ah u meteli kara shacabka Puntland.

    “Waftigu waxay u yimaadeen in ay nala arkaan aragtida shacabka Puntland, waxay la kulmeen Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta, aragtidoodana way arkeen, dadkii ay la kulmeena waxay ahaayeen dad ka turjumi karey dhammaantood rabitaanka shacabka Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo dhexmaray Dawladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo laga gaadhey khilaafkii ka dhashay go’aankii ay qaadatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotomey doorashooyinka 2016-ka.

    “Wax heshiis ah oo la gaarey majirto, laakiiin waxaanu isku af-garanay in Beesha Caalamkuna ay dib isugu laabtaan, anaguna aanu sii wadno wada xaajoodka, kuna dedaalno ka-Puntand ahaan iyo sidoo kale beesha caalamkuba inaanu dib isugu soo laabano, lagana wada shaqeeyo sidii soomaliya hore loogu marin lahaa, Waxaan rajeynayaa in isu soo laabadka dambe meesha hadda aanu joogno hore looga sii socdo” ayu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Mechael Keating oo isna geestiisa hadal ka jeediyey shirka jaraa’id ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Shacabka Puntland-ba uga mahadceliyey soodhoweyntii iyo qaabilaadii wanaagsnayd ee ay u sameeyeen Danjiraha iyo waftigiisa.

    Danjire Keating ayaa sidoo kale sheegay ahmiyadda safarkiisa uu Puntland ku yimi ku qotomey, isla markaana cadeeyey muhiimadda kulamadii uu la qaadanayey bulshada Puntland ay lahaayeen muhiimad gaar ah maadaama ay la socdeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, Uganda Itoobiya, urur goboleedka Igad, Midowga Yurub iyo midowga Afrika oo dhammaantood Puntland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka Shacabka Puntland.

    Danjire Michael Keating intaasii sii raaciyey in aanay jirin wax heshiis ah oo halkaan lagu gaadhey, isla markaana sheegay in waxyaabihii ay kala kulmeen qaybaha kala duwan ee Dawladda iyo Dadweynaha reer Puntland ay kula laaban doonaan magaalada Muqdisho.

    —DHAMMAAD—

    XAFIISKAWARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

     

    Gaas Keating Qaabka doorashada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasaaradda Warfaafinta oo shaacisay inay sharci darro yihiin labada Garab ee ururka Saxafiyiinta NUSOJ
    Next Article DEGDEG: Dab ka kacay xerada Qaxootiga Rajo ee Muqdisho & dad ku dhintay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo