Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wasaaradda Warfaafinta oo shaacisay inay sharci darro yihiin labada Garab ee ururka Saxafiyiinta NUSOJ

    Wasaaradda Warfaafinta oo shaacisay inay sharci darro yihiin labada Garab ee ururka Saxafiyiinta NUSOJ

    February 11, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo fulineysa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee dhawaan la melmariyay, waxay gacanta ku heysaa hirgelinta Xeerka Saxaafadda iyo farintaanka qodobada sharciga Saxaafadda ee hortebinta leh sida qodobka 13-aad, 14-aad, 16-aad, 18-aad, 26-aad iyo 35-aad oo tilmaamaya sidii bahda Warbaahinta ee hadda jirtaa isu sharciyeyn lahayd.

    Howlaha sharcigu na faray ee Wasaaraddu hadda gacanta ku hayso waxaa ka mid ah dhismaha Guddiga saxaafadda Soomaaliyeed, diiwaangelinta iyo sharcisiinta dhamaan hay’adaha Warbaahinta iyo saxafiyiinta.

    Sida uu dhigayo sharciga saxaafadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 09 January 2016 oo ah markii uu sharcigu soo baxay, Warbaahin ama Wariye kata oo ka howlgala Jamhuuriyadda Soomaali waxaa ku waajibaya in uu iska diiwaangeliyo Wasaaradda Warfaafinta muddo 45 cisho gudahood ah.

    Wasaaraddu waxay ku wargelineysaa bahda Warbaahinta ee ka howlgasha Soomaaliya in laga soo bilaabo dhaqankii sharciga dhaqdhaqaaq cusub oo sharci ku dhisan ay sameyn karto oo kaliya Warbaahin, Urur ama wariye is diiwaangeliyay oo leh awood sharci oo uu wax ku dhisto, cid ku doorto ama lagu doorto. Hadiise ciddii isku daydo in si fowdo ah u dhaqantao, iyadoo aan ka diiwaangashneyn Wasaaradda Warfaafinta waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

    ARINTA URURKA NUSOJ: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay Ururka NUSOJ u aqoonsantahay urur saxaafadeed oo ka madax banaan Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha fulinta ee dalka, lehna dastuur iyo nidaam qoraya in saddexdii sanno-ba mar xubnaha ururka sio democtatic ah oo daah furan ah u doortaan hogaankooda. Nasiib darro xunbaha ururkaas oo qiyaastooda lagu sheegay in ka badan 500 oo wariye waxay ku wareereen oo ku waayeen xuquuqo badan oo ay heli lahaayeen muran iyo is qabqabsi u dhexeeya labada hogaan oo is barbar yaacaya, waxayna xaq dastuuri ah u leeyihiin inay helaan hogaan ay raali ka yihiin o u taagan horumarintooda ee aan daneyste ahayn.

    Wasaaradda Warfaafintu waxay caddeyneysaa in labada xubnood ee ku murmaya hogaanka NUSOJ mid waliba uu ka dhamaatay saddexdii sano ee la doortay oo aan midkoodna heysan sharciyadii mudeysnayd ee ururka. Waxaanu amaaneynaa daacadnimada Maxamed Ibraahim Pakistaan oo qirsan in xilligiisa uu dhamaaday maalin iyo habeenna codsanaya in shirweyne loo qabto sida uu dhaqsiyaha badan si ururka u doorto hogaanka cusub.

    Haddaba si looga badbaadiyo in uu burburo ururkaas Qaran, Waxaanu xubnaha ka codsaneynaa inay magacowdaan guddi masuul ah oo aan labada murme midna u janjaadhin oo qabanqaabinaya shirweyne Qaran oo xunbaha ururuka ku doortaan hogaankooda muddo labo bilood gudahood ah, sidoo kale dowladaha, ururrada iyo hay’adaha taageera horumarka Warbaahinta Soomaaliyeed ee wadaniga ah iyo ajnebiga ah waxaan codsanaynaa inay naga xigsadaan oo ku taageeraan xubnaha ururka sidii ay u qaban lahaayeen shirweynahaas. Wixii intaas ka horeeyana Wasaaraddu cidna uma aqoonsana in uu yahay hogaanka NUSOJ.


     

    F.G  Qoraalka wasaaradda waxaa ku qornaa “NOSUJ” magaca ururka saxafiyiinta, balse dib ayaan u saxnay.

    NUSOJ ururka saxafiyiinta Wasaaradda warfaafinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCeydiid Ilkaxanaf: “Garyaqaanku nin sharci garanaya maaha, xilka waa la isaga dhiibay..”DHAGEYSO JAWAAB
    Next Article C/weli Gaas: “Wax heshiis ah oo la gaaro ma jiro, laakiin waxaa isku afgaranay……” WARSAXAAFADEED

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo