Raashiya ayaa ka digtay dagaal caalami ah oo ka qarxa dunida haddii ciidamo ka socda dalal kale la geeyo dalka Suuriya ayna isku dayaan inay taageeraan mucaaradka dalkaasi. Ra’iisal Wasaaraha Raashiya Dmitry Medvedev ayaa sheegay in ciidamo ka socda dalalka carabta loo diro wadanka Suuriya ay talaabadaasi keeni karto dagaal caalami ah oo ka duwan kan hadda ka socda dalkaasi.
Dmitry Medvedev oo wareysi siiyay jariirada Handelsblatt oo kasoo baxda dalka Germany ayaa mar la weydiiyey sida uu arka hadalka kasoo yeeray wadanka Sucuudiga oo sheegay inuu ciidamada dhulka u diri doono Suuriya si loola dagaalamo kooxda Daacish.
Medvedev oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Mareykanka iyo dalalka Carabta waa inay ka fekeraan inay doonayaan dagaal caalami ah iyo in kale…” isagoo sheegay in dowlada Siiriya oo ah xulafadooda ay kasoo horjeedo wax ciidamo caalami ah oo dalkooda la keeno.
Ruushka oo sheegay in iyagu joogitaankooda Suuriya ay ogolaansho ka heystaan xukuumada Bashaar Assad ayaa dhinaca kale sheegay in aan loo dulqaadan doonin ciidamo kale oo si amar la aan ah iska soo gala gudaha wadankaasi. Dhawaaqa digniinta ah ee kasoo baxaya Ruushka ayaa lagu soo beegay xili uu socdo qorshe uu Maraykanka ku lug leeyahay oo lagu doonayo in ciidamo ka socda dalalka Khaliijka loo diro gudaha Siiriya si ay gacan u siiyaan xoogaga mucaaridka ee kasoo horjeeda Xukuumada Bashar Al assad.
Wadani.com