Waxaa xalay goor danbe lagu guuleystay in la damiyo Dabkii qabsaday y Suuqa Weyn ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo la sheegay inuu ka kacay koronto qaraxday oo ku jirtay mid ka mida dukaamada ku yaalla Suuqa.
Dabka baab’iyay tobanaan dukaano iyo Bakhaaro u badan kuwa lagu iibiyo qalabka dhismaha, isagoo gaaray qeybta Dhuxusha iyo raashinka.
Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay in khasaaraha hantiyadeed aan la ogeyn iyadoo tirakoob aan lagu sameyn weli.
Korontada faraha badan iyo fiilooyinka sida fowdada ah wadooyinka ugu xiran waxay halis ku yihiin magaalada Muqdisho, waxayna ahayd aakhirkii sanadkii hore markii dab ka kacay koronto uu baabi’iyay qeyb ka mida degmada Xamarweyne.
Wadani.com