Madaxweynaha Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan ay magaalada Cadaado kula yeesheen wafdi uu hogaaminayay Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka, isagoo sheegay in wafdiga ay ka kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.
C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan saacado qaatay uu la yeeshay Micheal Keating in waxyaabaha ugu weyn ay kawada hadleen ay ahayd marka laga soo tago xaalada guud ee deegaanada Galmudug, doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkaan ee loo madalsanyahay in ay ka dhacdo dalka.
DHAGEYSO CODKA GUULEED
Wadani.com