Ciidamada dowlada Soomaaliya ee fadhigoodu yahay degmada Afgooye ayaa shaacyay inay howlgal ay qaadeen kusoo qabteen Dhalinyaro lagu tuhmay inay ka tirsan Al-shabaab i habeen hore weerar ku soo qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Saddex ruux iyo hubkooda ayaa lagu soo qabtay markii ay howlgal ka sameeyeen degaanada duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ka mid yihiin Sabiib, Caanoole iyo Mareereey.
Seddexda dhalinyarada ee lasoo qabtay ayuu gudoomiyaha Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax sheegay inay wateen hubkooda taasi oo cadeyneysa iney Alshabaab ahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.
Alshabaab ayaa habeen hore weerar gaadmo ah oo afar jiho ah ku qaaday degmada Afgooye iyadoo muddo qabsaday saldhigga degmada iyo xarumo kale.
Wadani.com