Dabley hubeysan oo ku labisan dareyska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta ay dhac u geysteen xarunta Xawaaladda Dahabshiil ee magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose iyagoo ka qaatay lacag kumanaan doolar oo aan cadadkeeda la shaacin.
Dableyda ku lebisnaa dareyska ciidamada ee dhaca ka geystay xawaaladda Dahabshiil ayaa markii hore xarunta ku galay iyagoo iska dhigaya dad lacag loo soo diray, kadibna waxay qoryo ku qabteen shaqaalihii xarunta oo ay ka qaateen wixii lacag ahaa ee ay markaasi hayeen.
Arrintaas kadib ayaa la sheegay in cabsi weyn soo wajahday ganacstada magaalada iyadoo la xiray xarumihii ganacsiga, maamulka degmada Marka ayaan waxba ka qaban arrintan, waxayna dableyda oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin ciidamada maleeshiyada ee degmada ku sugan ay la baxsadeen lacagtii Dahabshiil.
Wadani.com