Musharaxa lagu magacaabo Gianni Infantino ayaa goor dhow ku guuleystay Guddoomiyaha ururka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA kadib doorasho la isku riiqday oo ka dhacday xarunta FIFA.
Musharaxan ayaa helay 115 cod. isagoo hore u ahaa xoghayaha guud ee FIFA, wuxuuna khubad uu hadda jeedinayo ku sheegay inuu soo celin doono muuqaalkii wanaagsanaa iyo sumcadii FIFA oo hareeyeen musuqa.
Infantino ayaa helay – 115
Sheikh Salman wuxuu helay 88
Prince Ali ayaa kaliya helay – 4
Jerome Champagne oo helay – 0
GOOBJOOGE.COM