Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ka soo muuqday Warbaahinta Soomaalida ee Qurbaha isagoo wareysi siiyay intii uu ku sugnaa dalka Turkiga TV-da Integration, wuxuuna wareysiga oo ku baxayay afka ingiriiska ku baxayay uga hadlay arrimo badan.
Madaxweynaha wuxuu difaacay Shaqaalaha ay Soomaaliya u direyso Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo muran badan ka taagnaa isagoo sheegay in shaqaalaha si sharci ah loogu diri doono Sacuudiga ayna kormeeri doonto dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in arrintan si xun loo fasiray oo ay tahay dhalinyarada wiilasha iyo gabdhaha shaqo loogu raadinayo oo hore Yeman u sii mari jiray kuna dhibtoon jiray si ay Sacuudiga u tagaan.
HOOS KA DAAWO WARYSIGA OO AY QAADAY HODON NALEYE
Wadani.com