Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Galmudug oo sheegtay inay Alshabaab kala wareegtay degaano ka tirsan Xarardheere (Warsaxaafadeed)

    Galmudug oo sheegtay inay Alshabaab kala wareegtay degaano ka tirsan Xarardheere (Warsaxaafadeed)

    March 1, 20162 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka  GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, oo firxadkii argagaxisada ee agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee maanta ayaana tusaale ugu filan nabad-diidka inay isaga cararaan deegaanada ama ay isu soo dhiibaan ciidamada GalMudug.

    Wasiirka Warfaafinta Mohamud Aden Osman (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada GalMudug ay dagaal ku qaadeen kooxaha nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayey agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi oo dhowaan laga saaray deegaankaas.

    Wasiir Masegaway ayaa yiri “Dowladda GalMudug oo in muddo ah waday dadaalo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada GalMudug ayaa ciidanku ay maanta oo ah 1da Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey. Guushii maantana waxey kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka oo maalin walba hubsanaya in geesiyaasha ciidamad GalMudug ay heegan joogta ah ugu jiraan sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”

    Wasiir Mesegaway oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda GalMudug ee Soomaaliya waxey go’aansatay in dagaal culus lagu qaado kooxaha argagaxisada ah si loogu diido goobo ay ku dhuumaaleystaan. Ciidanka GalMudug iyagoo ka duulaya awaamiirtii Madaxweynaha GalMudug isla markaashana kaashanaya shacabka deegaanka ayaa waxey ka war-heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isu abaabulayeen inay dagaal ku soo qaadaan deegaanadii dhowaan laga saaray. Sidaas daraadeed ayey ciidanku iyagoo kaashanaya shacabka go’aansadeen inay dagaal ku qaadaan oo ku soo dhamaaday guul oo kooxihii argagaxisada laga saaray deegaanadii ay ku dhuumaaleysaneyeen ee Gobolka Mudug. Argagaxisada ayaa meydkooda iyo dhaawacooda urursaday oo u firxaday dhanka degmada Xarardheere.”

    Wasiir Mesegaway ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka GalMudug inay ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo. Sidoo kale Wasiir Mesegaway ayaa baaq u diray dhalinyarada la qalday ee Al-Shabaabku adeegsanayaan una sheegay in la soo dhoweynayo haddii ay ciidamada isu soo dhiibaan oo ay qoryaha iska dhigaan diyaarna u yihiin inay nabada qaataan. Wasiir Mesagaway ayaa ka codsaday Madax dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo sidii dhalinyarada la marin habaabiyey loo wacyigelin lahaa loogana soo saari lahaa dhibka ay ku jiraan.

    Alshabaab Galmudug Xarardheere
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Go’aano lagu sugayo ammaanka MuqdIsho oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wasiirada & Madaxweynaha
    Next Article Amnigu Qori ka Qara Weyn [Yusuf Garaad]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo