Kooxda Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa la sheegay in sarkaalkii ay la dagaalameen dhowaan ee Liibaan Maxamuud (Liibaan Madaxweyne) ayna ku qabteen dagaalka, isagoo dhaawac ah, ay go’aansadeen inay u qaadaan dalka Itoobiya.
Ahlu sunada Gobolada Dhexe oo xiriir fiican la leh Itoobiya ayaa la sheegay inay dhaawaca Liibaan Madaxweyne ka saareen Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo u qaaday Guriceel ee isla Gobolka Galgaduud, waxaana lagu wadaa inay u dhoofiyaan Itoobiya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegay in sarkaalka la dagaalamay aysan waxba uga qaban karin Dhuusamareeb, isla markaana aysan jirin meel kale oo ay ku aamini karaan oo aan ahayn Itoobiya oo ay ka codsadeen inay u heysto, laguna daweeyo halkaasi.
Wadani.com