Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxiga ay ka dhaceen Magaaladaasi, qaraxyadaasi ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxyada ka dhacay Baardheere ayaa la sheegay inay gaarayaan shan qarax oo ahaa miinada dhulka lagu aaso oo dhowr xabo ah.
Qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi ayaa gaaray saddex qof, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo kale. Ciidamada Ammaanka Baardheere ayaa bilaabay baaritaano ka wada degmada, wxaana la xiray goobaha qaraxayada ka dhaceen.
Alshabaab ayaa sheegatay in qaraxyadaasi oo toban qarax ahaa ay la beegsatay ciidamada Xabashida Itoobiya. Wararka laga helayo Baardheere ayaa sheegaya in qaraxyadu ka dhaceen Maqaayad ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaaliya isugu jira.
Wadani.com