Waxaa lasoo bandhibgay hubki uu dhowaan qabtay Markab ay leeyihiin ciidamada Badda dalka Australia oo lagu magacaabo HMAS Darwin oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya.
Hubkan oo lagu qabtay Badda Cumaan waxaa siday Doon yar oo u socotay Soomaaliya, iyadoo aan la sheegin ciddii hubkaasi lahayd.
Hubka Doonta waday ayaa ka kooban ku dhowaad laba kun (1989) oo qoriga loo yaqaan AK-47, 100 baasuukayaal ah iyo 49 qoryaha iyana loo yaqaan PKM ee Dabajeexa.
DAAWO SAWIRRADA HUBKA
Wadani.com