Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax saaka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn oo dhaliyay qasaare dhaawac dad gaaraya 5 ruux.
Dhaawacyada waxaa ka mida laba 2 askari oo oo Jabuutiyaan ah kana mida ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka, waxaana qaraxu dhacay iyadoo baaritaan lagu wado gaari Bas ah oo rakaabka iyo shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha qaada oo ku sugnaa albaabka garoonka.
Xaalada dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay inay saddex ka mida aad u liidato, iyadoo la geeyay isbitaalka magaalada Beledweyne. Waxaa sidoo kale dadka dhaawacnay ka mid ahaa shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala magalada Beledweyne.
Wararka laga helay qaar ka mida saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday Kombiyuutar ah Labtop ah, halka warar kale ay sheegeen in boorso uu ku jiray qaraxa.
Waxaa la qabtay dhammaan dadkii saarnaa Baska oo xabsiga la dhigay, iyadoo la bilaabay baaritaan lagu hayo ciddii lahayd alaabta qaraxday, waxaana guud ahaan la xiray dad garoonka Ugaas Khaliif ku sugnaa oo doonayay inay dhoofaan.
Qaraxa ayaa noqonaya kii labaad ee garoonka Koonfurta Dalka laga beegsado, iyadoo magaalada Muqdisho lagu qarxiyay diyaarad ay leedahay Daallo Airlines iyadoo loo adeegsaday Laptop.
Wadani.com