Shirka toddobaadlaha arrimaha bulshada ee uu guddoomiyey Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayna ka qeyb galeen wasiiro iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay nadaafadda caasimadda, iyadoo laga soo saaray amarro ku saabsan nadaafadda caasimadda.
Shirkan oo ah “Toddobaalaha tubta arrimaha bulshada” ayaa lagu go’aamiyay in la dardar geliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka.
Amarrada kasoo baxay shirka waxaa ka mida: In Shirkadaha Qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawada kale ee ku taalla agagaarka deganka Waxarcadde ee degmada Heliwaa.
Waxaa kaloo amar lagu bixiyey in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka gobolka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo.
Jawaabta dowladda Soomaaliya ka bixiso qaraxyada waaweyn ee caasimadda ayaa inta badan ahaan jirtay inuu madaxweynaha isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kuna amro inay baaritaan ku sameeyaan, sida dhacday kadib qaraxyadii Hotel Saxafi, laakiin qaraxyadii ugu danbeeyay ayaa u muuqda inay madaxda dowladda ka gaabsadeen.