Waxaa maanta magaalada Jowhar ka dhaceysa doorashada saddex kursi oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, lagana soo doorto Maamulka Hirshabeelle.
Saddex kursi oo ee maanta lagu dooranayo magaalada Jowhar oo qaarkood si adag loogu loolamayo, waxay kala yihiin:
Kursiga 1-aad
Kursigan oo uu difaacanayo Senator Muuse Suudi Yalaxow, waxaa kula tartamaya Musharixiint kala ah Axmed Xasan Sheekh Maxamuud Caddow (Daaci), C/llaahi Sheekh Xasan iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.
Kursigan ayaa ah kan ugu adag ee sida weyn loogu tartamayo, waxaana Muuse Suudi uu wajahayaa musharax ay wataan Madaxtooyada Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ee C/laahi Sheekh Xasan, iyadoo la filayo inuu Muuse Suudi kusoo baxo kursigan, dibna loogu doorto Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Kursiga 2-aad
Kursiga labaad waxaa difaacanaya Senator Prof. Maxamed Cismaan (Dhegajuun), isgoo tartan adag kala kulmaya Musharax Nuur Maxamed Geeddi (Canjeex), waxayna wararku sheegayaan in Musharax Canjeex ay rajadiisu ka wanaagsan yahay Senator Dhagajuun.
Kursiga 3-aad
Kursigan waxaa difaacaneysa Senator Fartuun C/qaadir Faarax Karaama, waxaana kula tartameysa musharax Sacdiyo Yarow Aadan, iyadoo wararku sheegayaan inay dib u soo laaban doonto Senator Fartuun.
Doorashada Aqalka Sare ee maamulka Hirshabelle ayaa ka duwan doorashooyinkii ka dhacay mamul Goboleedyada kale, iyadoo loo furay dhammaan musharixiinta soo codsaday, waxaana si furan loogu tartamayaa 8-da kursi ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.
Magalada Jowhar ayaan Xalay laga seexan, waxaana socday olole ay wadaan musharixiinta iyo kulamo ay la yeelanayaan xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo wararku sheegayaan inay jireen kharashaad ay bixinayeen inta badan Musharixiinta.
