Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka K/Galbeed maanta ka dhacaya Doorashada saddex kursi oo ka mida Golaha Shacabka, iyadoo Doorashada ay hareysay cabashooyin kuraas la musharixiin gaara loo xiray iyo musharixiin laga hor istaagay.
Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa qabanaya saddexda kursi ee kala ah:
HOP#182: Waxaa kursigan ku fadhiya Maxamed Mursal Sheekh oo ahaa guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad. Mursal ayaa taageero ka hela Farmaajo, waxaana lagu wadaa inuu dib u soo laabto.
HOP#170: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay kursigan ku fadhiyey Iimaan Cabdullaahi Cali, waxaa la filayaa inuu Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor) kursigan la wareego.
HOP#171: Waxaa muddo dheer ku fadhiday Fowsiya Maxamed Sheekh, iyadoo la filayo inay si fudud mar kale soo laabato.
Dhinaca kale waxaa magaalada Dhuusamareeb maanta ka dhacaya doorashada kursiga:
HOP#054: waxaa kursigaas afartii sano ee ku fadhiyay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, kaaso ka mida saaxiibada Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana la filayaa inuu dib u soo laabto.
