Waxaa maanta magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudiga ka bilaabtay maxkamadeynta kooxdii ka dambeysan dilkii saxafigii Jamal Kashoqgi oo 2-dii Oktoobar 2018 lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Isbtanbul, dalka Turkiga.
Bayaan kasoo baxay xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maanta oo Khamiis ah maxkamad lasoo taagay 11 ka mida kooxda ku eedeysan dilka Jamal Kashoqgi, isla markaana 5 ka mida ay xeer ilaalintu dalbatay in la dilo, kaalinti ay ku lahaayeen kiiskaasi.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in su’aalihii xeer ilaalinta Turkiga u dirtay Sacuudiga aanay wax jawaab ah ka helin, iyadoo ay mar kale ka dalbatay Turkiga inay la wadaagto wixii xog ah oo ay kiiskaasi ka heyso.
Shanta nin ee dilka lagu xukumay lama shaacin, sidoo kale ma jirin faahfaahin kale oo laga bixiyey maxkamadeynta magaalad Riyaad maanta ka dhacday, waxaana arrintan loo karaa in Sacuudigu doonayo dilka dadka kiiskan wax ka ogaa ee fuliyey oo ah markhaatiga ugu weyn ee la hayo si aan loo helin cidda ka dambeysay amarka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi.