Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo dhimasho badan dhaliyey oo maanta degaanka Tukaraq ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland.
Puntland ayaa sheegatay in dagaalka oo socday saacado badan oo ay ku ileen askar badan oo Somaliland ka tirsan oo ay ku jiraan saraakiil, isla markaana ay gubeen saldhigii ciidamada Somaliland ee Tukaraq iyadoo qabsaday degaankaasi.
Tirada dhimashada ayaa la sheegay in inay ku dhowdahay 40 askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca in ku dhow 100, waxaana dhinaca Puntland laga qabsaday saddex gaari oo ku wadagaalka ah, halka Somaliland laga qabsaday laba Gaari oo uu ku jiro Beebbe.
Puntland ayaa xaqiijisay 17-askari looga dilay dhinacooda, lagana dhaawacay 34-kale. “Ciidanku waxay duhurnamadii maanta Gudaha u galeen Tuulada Tukaraq laakiin waxay galinkii dambe maanta uga ruqaansadeen Dhinaca Galbeedka halkasoo ay isku urur sanayeen Maleeshiyaadkii laga saaray Magaalada, Waxaana halkaas ka bilowday Dagaal socdey Sadex saac Ilaa makhribkii dagaalku istaagay” ayuu lagu yiri war kasoo baxay Maamulka Puntland.
Puntland waxa ay Sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Afar gaari oo ah Nuuca Dagaalka, halka ay Gubeen 9-kale, Dhankoodana 6-Gaari dagaal oo uu ku jiro Taangi Khasaare ay waxyeelo ku gaartay Dagaalka, waxa ayna Meesha ka saareen Gaadiid laga qabsaday.
Dagaalka oo laga cabsi qabo inuu mar waliba dib u qarxo ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee labada dhinac dhex mara labada maamul.