Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada Soomaaliya, isagoo talo u soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Aadan Ducaale ayaa sheegay inuu maalin kasta war aan wanaasganeyn uu ka maqlayo Soomaaliya, haddii ay tahay Gobollada ama caasimadda Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in Dowlad Goboleedyada ay caqabad ku yihiin dowladda Federaalka, taasoo sababtay in dowladda ay dayacdo amnigii.
Waxa uu tusaale u soo qaatay dilalkii ka dhacay Muqdisho ee ardeyda iyo dadka kaleba loo gaystay. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu isaga ka roonaado dowlad Goboleedyada maaddaama isaga ay hoostagaan, madaxna u yahay.
Aadan Barre oo ka mid taageerayaasha madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dooday in Federaalka Soomaaliyaba loo sameeyay khilaaf iyo waqti iska lumin,marka loo eego sida ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya.