Abaanduulaha ciidamada xooga Soomaaliyeed Janaraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa digniin culus u diray maamulka Gobolka SH/hoose, isagoo ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.
Abaanaduulaha o la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay uga digayaan maamulada degmooyinka iyo kan gobalka shabeelaha hoose ee wadashaqeynta kala dhaxeysa Al-shabaab, wuxuuna ku eedeeyay inay qaarkood ku shaqeeyaan afkaarta Al-shabaab.
Wuxuu caddeeyay in qaar ka mida maamulayaasha Gobolka SH/hoose ay iska hor keenayaan shacabka Soomaliyeed iyo ciidamda xooga iygoo faafiya warar ku saabsan in ciidamada ay dhacaan mar waliba shacabka isticmaala wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii darawallada Gaawaarida isticmaala wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay dhigeen dibad bax ay kaga cabanayaan ciidamo dheeri ah oo wadadaasi la soo dhigay.