Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ergay ka socda oo dhambaal farriin ah ka sida u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmnaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya Axmed Shidde oo Dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Axmed, sida ay shaacisay Madaxtooyada Somaluia.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin farriinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya u soo diray madaxweyne Farmaajo oo imaaneysa xilli ay Itoobiya ku jirto xaalad adag kadib afgembigii dhicisoobay ee maamulka Amxaaradda iyo dilkii Taliyaha ciidamada Itoobiya iyo madaxweynaha Gobolka Amxaaradda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu u xaqiijiyay Wasiir Axmed Shidde sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.



