Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaara kula yeeshay Magaalada Jabuuti madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka hor shir madaxeedka aan caadiga ee IGAD ee maanta ka furmaya dalka Jabuuti.
Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo oo ay ka wadahadleen xaaladda Gobolka, dhacdooyinkii ugu danbeeyay iyo sidii dalalka IGAD u xoojin lahaayeen xiriirka u dhaxeeya.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisal wasaraha Suudaan Cabdalla Hamdouk iyo madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
