Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Afar Qodob oo miradhal ka dhig kara Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraatka [Qormo]

    Afar Qodob oo miradhal ka dhig kara Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraatka [Qormo]

    November 20, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Safarka Madaxweyne Farmaajo uu kutagay dalka Imaaraatka ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama uu ku soo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayso dagaal ka dhanka ah Alshabaab, fara gelin shisheeye iyo cadaadis ku aaddan go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay arimaha khilaafka Khaliijka.

    Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu hordhigayo dhiggiisa Khaliifa Binu Saayid, arrimaha iskaashiga labada dal, cabashooyinka Soomaaliya ay ka qabto dowladda Imaaraatka iyo kaalinta la rabay in ay ka qaataan dib u soo kabashada dalka.

    Hadaba, Caasimadda Online waxay ka xog waraysatay dad khubara ah qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in ay labada dal ka wada hadlaan.

    1. Arrimaha Soomaaliya in lagala xaajoodo Dowladda Dhexe

    Bilihii la soo dhaafay dowladda Imaaraatka waxa ay qaabishay madaxda Maamul Gobeleedyada taas oo ay si wayn uga biya diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ugu dambayntiina Madaxda Imaaraatku ay ka garwaaqsadeen arrinkan fahmeenna in furaha kaliya ee Soomaaliya uu yahay Dowladda dhexe taas oo horseedday in ay haatan diyaar u noqdaan in arrimaha Dalka lagala xaajoodo dowladda Federaalka Soomaaliya.

    2. In Soomaaliya lagu tixgaliyo go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khilaafka Khaliijka.

    Waxaa cadaadis muuqda lagu saaray dowladda go’aankaas iyadoona Dowladda Imaartku ay arrinkaas gundhig u ahayd.

    Cadaadiska waxaa ka mid ahaa taageerada ay u sameeyeen Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Imaaraatka iyaga oo soo saaray qoraallo ay ku taageeraayan go’aanka Xulafada Imaaraatka iyo Sucuudiga.

    Waana markii ugu horreysay oo Madaxda Maamul Gobeleedyada ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan Siyaasadda Arrimaha Dibadda taas oo noqotay arrin ugub ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka la iskuna waafaqay in arrinkan uu ka soo horjeedo dastuurka dalka.

    3. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka.

    Saraakiil ka socota hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa safarkan Madaxweynaha ku wehelinaya taas oo ka dhigan in madaxweynuhu uu soo bandhiggayo Imaaraatka in ay u fududeeyaan ganacsatada Soomaaliya hawlaha la xiriira socdaalka maadama dalkaasi uu yahay suuqa ugu weyn ee ay ku xiranyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

    4. In Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynaaya in uu ku soo qanciyo hoggaanka dalka Imaaraatka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoo lagala hadli doono qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xogga Dalka.

    Khubadara falaanqeeya Siyasaadda Dibadda iyo kuwa amniga ayaa isku raacsan in heshiis laga gaaro qodobadan ay ahmiyad gaar ah u leedahay dagaalka Alshabaab.

    Waxaa Qoray: Maxamuud Cumar Albashiiri

    Farmaajo Imaaraadka UAE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Weerar xalay lagu qaaday Bar ay fadhiyan ciidamada Xasilinta Muqdisho
    Next Article XOG: Hal Arrin oo soo dedejisay is-casilaadii Wasiirka Gargaarka Somalia Maryan Qaasim [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo