Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XOG: Hal Arrin oo soo dedejisay is-casilaadii Wasiirka Gargaarka Somalia Maryan Qaasim [Akhriso]

    XOG: Hal Arrin oo soo dedejisay is-casilaadii Wasiirka Gargaarka Somalia Maryan Qaasim [Akhriso]

    November 20, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Is-casiladii Wasiirkii Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa si weyn loo hadal hayay maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo dadka qaarkii ay lama filaan ku noqotay arrintan.

    Wasiirada oo ka mid ahay xubnaha ugu dhow madaxweynaha iyo guddoomiyihii xisbiga uu asaasay ayaa is-casilaadeeda sabab uga dhigtay is barbaryaac ka dhex jira xukuumadda oo keenay inaysan kala caddeyn shaqada, taasoo keentay inay xilka ka tagto.

    Haddaba Wadani.com ayaa ogaatay in Wasiir Maryan Qaasim ay is casilaadeeda soo dedejisay hal arrin oo ku saabsaneyd socdaalkii Ra’iisal wasaare Kheyre ku tegay magaalada Baraawe oo aanay ka mid noqon xubnihii tegay, taasoo noqotay mid ku filan inay xilkii ay u heystay xukuumadda ka tagto.

    Wasiirada oo kasoo jeeda degaankaasi ayay ahayd in lagu dhowro oo ay wafdiga ka mid noqoto, taasoo aanu yeelin Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo la sheegay in xiriirka uu lahaa wasiir Maryan Qaasim aanu fiicneyn, waxaana markii laga reebay safarkaasi oo ay si weyn u daneyneysay ay arrintaasi noqotay inay si aad ah uga carooto oo si toos ah u tagto mid ka mid idaacadaha Muqdisho kuna dhawaaqdo is-casilaad.

    Waxaa la ogaa in Wasiir Maryan ay arrimo badan ka tabaneysay qaabka shaqo ee wasaaradeeda oo aan caddeyn iyo Guddiyo fara badan oo mar waliba howshii wasaaradda gacanta ku haya, ayna isku dhaceen Guddigii hore ee Gurmadka Qaranka iyo midka loo dhisay arrintii Qaraxii Soope, kana awood badan, iyadoo ay taasi u raacday inuu xumaa xiriirka iyada iyo wasiir ku xigeenkeeda oo aanay wax wada shaqeyn ah ka dhaxeyn.

    Wadani

    IS-casilaad Maryan Qaasim Maryan Qaasim Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAfar Qodob oo miradhal ka dhig kara Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraatka [Qormo]
    Next Article Maxkamadda sare ee Kenya oo Sharci ka dhigtay doorashadii ku-celiska ee Uhuru Kenyatta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo