Kooxda Ahlu suna ayaa sii deysay afhayeenkii madaxweynaha Galmudug oo shalay ciidamo ka tirsan ay ku xireen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.
Wararka ayaa sheegaya afhayeenka madaxweyne Xaaf Maxamuud Cusmaan Beereey oo ah Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Galmudug laga sii daayey xabsiga, kadib markii madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf uu xaaladda soo farageliyay, isla markaana xiriir la sameeyay madaxa xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Afhayeenka ayaa la xiray kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada kana akhriyey wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf taas oo ku saabsaneyd bixinta dhulalka magaalada Hobyo.
Arrintan ayaa muujineysa in labada maamul aanay weli midoobin, isla markaana aanu fulin heshiiskii labada dhinac.