Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa degdeg ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho, kadib amar kasoo baya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Hay’adda NISA ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Ankara, ee dalka Turkiga, waxayna wararku sheegayaan inuu isla xalay isu diyaariyey safar degdeg oo uu ku laabanayo Muqdisho, isagoo kasoo duulaya magaalada Istanbuul.
Waxaa la filayaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, xiili uu Ra’iisal wasaare Rooble ka dalbaday Agaasimaha NISA inuu muddo 48 saacadood ah ugu soo gudbiyo xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, isla markaana la sheegay inay u gacan gashay oo ay Eileen Alshabaab.
Culeys xoog leh oo ka dhashay kiiskan ayaa keenay inuu soo farageliyo Rooble, waxaana la hadal hayaa xil ka qaadis iyo tallaabooyin uu qaadid oono Ra’iisal wasaaraha inkastoo aanay caddeyn sharci ahaan inuu awood u leeyahay.
