Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo maanta hortegay kulanka Baarlamaanka ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ammaanka u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sidoo kale talooyin ka siiyay sida ammaankooda ay u hagaajin karaan amaankooda gudaha magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa ka warbixiyay shabakadii Alshabaab ee dilka khaarijinta ah ka geysan jirtay Muqdisho, wuxuuna ka shirka Baarlamaanka oo saxaafadda dibaddal looga saaray in Shabadkaasi ay ka koobneyd 11 qof, ayna dileen dad fara badan oo xildhibaanno, mas’uuliyiin dowladeed iyo shacab isugu jira.
Tuuryare ayaa intaas ku daray 11-ka qof ee shabakada isku xiran ahaa la qabtay 8 ka mida, halka saddexda kale ay u baxsadeen meel aysan dowladu ka talin. Baabuurta lagu fulin jiray dilalka qorsheysan ayuu sheegay inay ahaayeen lix baabuur oo 4 ka mida la qabtay laba kale la waayay. 8-da xubnood ee Alshahaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ayuu sheegay inay gacanta hay’adda ku jiraan oo maxkamad la soo taagi doono, xukun adagna lagu ridi doono.
Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda ayaa keenay madasha shirka khubaro la sheegay inay yihiin la-taliyeyaal dhinaca amniga ah oo xildhibaannada Baarlamaanka talooyin ka siiyay sida ay ammaankooda shaqsiga u sugi lahaayeen iyo tallaabooyinka looga baahan yahay. Sidoo kale waxaa halkaas laga shiday filim ku saabsan sida loo burburiyay shabakadii dilalka qorsheysan ee Muqdisho oo ahaa kii TV-ga Qaranka hore u baahiyay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa shirka soo xiray, waxaana sii socon doona warbixinta agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda oo berito lagu wado in la weydiiyo su’aalo kulul oo la xiriira arrimo badan oo hay’adu ku lug yeelatay.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]