Ra’iisal wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid Cali ayaa sii wada wada-tashiyo uu la leeyahay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kala duwan isagoo toddobaadkan lagu wado inuu madaxweynuhu horkeeno baarlamaanka si ay kalsoonida kalsooni u siiyaan kadibna loo soo magaacabo golaha wasiirada.
- RA’IISAL WASAARAHA MAGACAABANÂ CUMAR C/RASHIID CALI
Cumar C/rashiid ayaa la kulmay guddi ka socday xildhibaannadii taageeray Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed oo si weyn uga horjeeda siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis, waxaana dhex maray dood adag oo ku saabsan awoodda uu u leeyahay inuu si xornimo u magacaabo golaha wasiirada.
Xildhibaanadii la kulmay Ra’iisal wasaaraha magacaaban ayaa Goobjooge.com u sheegay in Cumar caddeeyay inaan liis qorin loo dhiibin, wuxuuna ka dalbaday inay marka hore kalsooni siiyaan isaga wixii markaas ka danbeeyana ay ka tashan doonaan xubnaha golaha wasiirada ee la magacaabayo.
Xildhibaannada qaarkood oo rajo xumo ka muujiyay Cumar iyo golaha uu magacaabi doono ayaa ku dooday inuu waqti lumis yahay, wax waliba ay diyaarsan yihiin laakiin dhinacooda aysan shaqsiyan diidaneyn isaga laakiin ka soo horjeedaan inay dib ugu soo laabtaan golaha wasiirada xubnihii taageersanaa madaxweynaha ee u ololeeyay in la rido xukuumadii hore.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]