Wasiirka Amniga ayaa agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u magacaabay C/fataax Ibraahim Cumar Shaaweye oo ay isku dhow yihiin Ra’iisal wasaaraha.
Magacaabiddan ayaa dhacday akhirkii Bishgii April iyadoo aanay saxaafadu ka warhelin, waxaana hore Beesha Ra’iisal wasaaraha kasoo jeedo ay isaga hor timid xil ka qaadista C/llaahi Gaafow iyadoo dalbatay in mas’uul kale loo magacaabo.
Waxa muuqata in Ra’iisal wasaare Kheyre aqbalay cadaadiska beeshiisa, waxaana C/fataax Shaaweeye oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenadii G/Banaadir dowladii C/llaahi Yuusuf hadda loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Shaaweeye ayaa hadda ku xigeen u noqonaya saaxiibkiisii hore ee mudane Koofi oo hore ayay uga soo wada shaqeeyeen taliska NISA ee Gobolka Banaadir.
C/fataax Shaaweeye ayaan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn, waxaana intii ay dowladda cusub timid loo magacaabay xilal kala duwan oo marba dib looga noqonayay. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa hadda noqotay mid beelaha kala duwan ay daneynayaan, waxaana lagu qoray shaqaale badan.