Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Agaasimihii Hay’adda Socdaalka is casilay (Akhriso Qoraal dheer oo ka yimid)

    Agaasimihii Hay’adda Socdaalka is casilay (Akhriso Qoraal dheer oo ka yimid)

    July 6, 2023Updated:July 6, 20235 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii aey’addaas, saacado kadib markii uu xeer ilaaliyaha guud maanta shaaciyay inuu ka mid yahay dad loo heysto Kiis Musuqmaasuq ah.

    Qoraal dheer oo uu caawa soo saaray ayuu Mr. Cabdul ku dheegay inuu maanta is-casilaadiisa u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo beehiyay inuu wax khalad ah sameeyay.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA AGAASIMAHA

    Taariikh: 07/07/2023 Warsaxaafadeed

    Ugu horeyn waxaa mahad leh eebbe SWC oo ii suurtagaliyay muddo ku dhaw 2 sano inaan si hufan u guto waajibaadka qaran ee iga saarnaa hoggaaminta Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo kamid ah haldoorka hey’adaha dowladda ee bixiya adeegyada bulshada dhammaan dalka oo dhan.

    Dowladnimada Soomaaliya waa mid kooban oo sahleysa in laga warqabo habsami socodka hawlaha maalinlaha ah midka ugu sareeya iyo midka ugu hooseya waxa ay qabtaan. Sida ay horay u xaqiijisay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaan ku soo baxay safar horay uqorsheysnaa taas o lagu shaaciyey Warbaahinta Qaranka ee dowladda.

    Ma aysan jirin cid ila wadaagtay eed la ii heysto safarka kahor, waana sababta ay Wasaaraddu u shaacisay warqadda. Inkastoo aanan la soo bandhigin nooca iyo waxa aan ku edeysanahay, waa muhiim in sida sharciga Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda qorayo, qodobka 16aad ee Xilka iyo Awoodaha Agaasimaha Guud ee HSJ iyo guud ahaan mas’uuliyadda Hey’adda aysan ahayn meelna uga jirin ururinta iyo maamulidda dakhli dowladeed, waxaana hey’addu si buuxda ah u dhaqangelisay ku dhaqanka Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee dalka.

    Muddadii aan hogaaminayay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa noo suurtagashay oo ay hey’adaha maamulka Maaliyadda iyo dakhliga illaa heer Madaxda Qaranku ka markhaati kaceen kor u qaadista dakhliga qaranka kasoo xarooda adeegyada socdaalka iyo dal-ku galka kasso sare ukacay 40%.

    Maalinba maalinta ka danbeysa Hay’addu waxa ay sii gaareysay horumar hor leh, hadii ay ahaan leheed in la dhiso xarumo cusub iyo bar xadudedyo hor leh si adeega dowladda loo gaarsiyo dhamaan muwadininta soomaliyeed meel walba ay joogaan. Waxaa sidoo kale qorshaysan in sanadkan ay dalalka horumaray ee dunida ay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliya oo dadaal badan ku bixinnay.

    Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda waa muraayada dalka, waa Hay’adda kaliya ee si toos ah dalka ugu xirta dunida Inteeda kale. Waxaa nasiibdarro noqotay in sumcadda iyo sharafka hey’adaha dowladda ee lafdhabarka u ahaa kobcinta dakhliga laga dhigay mid si sahal ah loo dhaawaco, ayna gaarto heer dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliya ka caawiya hufnaanta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ay kala garan waayaan cidda ilaalinaysa hey’adaha dhisan iyo cidda duminaysa shuruucda iyo xeerarka lagu xisaabtami karo ee daahfurnaanta iyo maaraynta maaliyadda guud ee dalka.

    Hey’ad iyo mas’uul dowladeed waa in la eedayn karo, la baari karo, isla markaana la hor keeni karo garsoor madax banaan, balse, kadib markii aan arkay ogolaansho la’aanta qareenada iyo xaqa cedaysanaha ee nidaaamka garsoor ee baarista la-dagaalanka Musuqa, maqnaanshaha garnaqsiga daahfuran, iyo hab-dhaqanka lagula kacay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladeed ee ku xiran sifo aan waafaqsanayn xeerarka dalka iyo dunida, tusaale-na u yahay Agaasimiha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrima Bulshada Cabdullaahi Suldaan, oo la xiray isaga oo aan la caddeyn, gal dacwadeed loo furin oo ilaa hadda ay u doodayaashiisa la’yihiin kiis furan, meel lagu furay iyo goor cadaaladda loo ogalaan doono asagoo waliba xilkii laga qaatay.

    Kadib markii aan arkay sida sharciga iyo garsoorka dalka gacmaha loogu wato, garta aan lagu qaadin garsoorka ee xafiisyada lagu go’aamiyo, sida loo siyaasadeenayo hannaanka baarista iyada oo la hiigsanayo jago iyo shaqo, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 07/Luulyo/2023 Wasaaradda Amniga Gudaha u gudbiyay Warqadda rasmiga ah ee Iscasilaadayda Xilka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

    Maadaama Hay’addu ay tahay muraayaddii Qaranka, si joogta ahna ugu adeegta ummada Soomaliyeed waxaan rajeynaya in madaxda sare ay u xuli doonaan hogaan munaasab ku ah si uusan qalqal ugelin howlaha Hay’adda.

    Waxaan ku gunaanadayaa: Mahadcelin iyo dhiirigelin:

    Waxaan u mahadcelinayaa Dhammaan Hawlwadeenada HSJ magaalooyinka, xarumaha iyo baraha xuduudaha ka hawlgala ee har iyo habeen u taagan gudashada waajibaadka qaran, waa shaqaale howlkar ah qaarkood shaqeeya maalmaha jimcaha iyo weliba maalmaha ciida madama bar xaduudeedyadu shaqeynayaan hadana ugu xuquuq yar shaqaalaha dowlada, waxaan rajeynayaa in lasii wadi doono dadaalada lagu raadinayo xuquuqdooda.

    Waxaan Bulshada Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa wadashaqaynta iyo ka faa’iidaysiga adeegga Hey’adda gudaha dalka iyo dibadda isla markaan ay muhiim tahay inaysan ku kadsoomin Dulmiga & marin habaabinta ujeedooyinka gurracan laga leeyahay arimaha Socda.

    Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Hey’adaha Caalamiga ah ce shaqo wadaagta la ah Hey’adda iyo kalsoonida xiriirka wadashaqayneed ee ay la leeyihiin hey’adda. Dhammaan Hey’adaha Dowladda waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqaynta ay la leeyihiin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

    Waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasaaradda Amniga gudaha XILKU WAA MEERTO, IN LA KALA QAATANA WAA SUNNO SOO JIREEN AH, IN LEYS SUMCAD DILO SI LOO BANEYSTO XIL KA QAADISTA WAA SUNNO CUSUB OO LA JİDEEYEY BALSE AAN KU EKAAN DOONİN DOWLADA HADA JİRTA.

    INTA AAN ANIGU OGAHAY WAXAAN KA HADLI DOONAA WAQTI MUNAASIB KU AH OO AANAN FOGEYN. “BALLANTEENNU WAA SHAQO, DALKA OO LOO SHAQEEYO SHARCIGA OO SHAQEEYA, SHARAFKA IYO XAQQA MUWAADINKA OO LA DHAWRO.”

    Cabdul Hay'adda Socdaalka Muqdisho Musuq Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Maaliyadda oo si degdega Shaqadii uga joojiyey Xisaabiyihii Guud iyo Agaasimaha..
    Next Article Taliyaha Sirdoonka Kenya oo Muqdisho kula kulmay Mahad Salaad iyo Arrimaha..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo