Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya oo shaaciyey Sababta uu xilka isaga casilay

    Agaasimihii Madaxtooyada Somaliya oo shaaciyey Sababta uu xilka isaga casilay

    August 13, 2023Updated:August 13, 20232 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xilkii ka tegay, iskana casilay, iyadoo hore ay usoo baday is-casilaadiisa.

    Qoraal uu soo saaray ayuu Agaasimihii hore ayuu sheegay inuu isku casilay arrin ku saabsan Koonfur Galbeed, ayna lagama ay noqotay inu waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA IS-CASILAADIISA

    Marka hore waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in aan si rasmi ah isaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan haayay laga soo billaabo 23 May, 2022.

    Waxaan marka xigta Alle ka sokow u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyaddan ii igmaday, fursadna ii siiyay inaan dalka u adeego. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada kale ee garabka ii ahaa muddadii aan mas’uuliyaddaas haayay.

    Muddadaas kooban ee aan haayay xilkan, wuxuu Ilaah igu guuleeyay inaan si hufan u guto waajibaadkayga, is-beddel la taaban karana ku soo kordhiyo Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan hufnaanta maamulka ee xafiiska iyo ku gacansiinta Madaxweynaha siyaasadihiisa ku wajahan dawlad-dhiska Soomaaliya.

    Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed, taas oo aan aaminsanahay in ay u baahan tahay hoggaan leh lexejeclo, aqoon, ammaano, waayo-aragnimo iyo damiir ummadeed una horseeda deegaankaas horumar dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo mid bulshaba leh, si looga faa’ideysto kheyraadka Alle ku manaystay Koonfur Galbeed islamarkaana ay hormuud ugu noqoto dalka intiisa kale.

    Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay, gaar ahaanna sidii ay bulshada Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada.

    Ugu dambeyn waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed inay garab igu siiyaan xaqiijinta himilooyinkaas aniga oo Alle hortiis ballanqaadaya in aan hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah.

    Wabilaahi Towfiiq

    Agaasimaha madaxtooyada Is-casilaad Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Isboortiga oo Mooshin Su’aalo weydiin ah lagu hor geeyay Baarlamaanka
    Next Article Nin Dil ka geystay magaalada Muqdisho oo laga soo qabtay Kismaayo, lana geeyay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo