Xoogagga Ahlun sunna ee Gobolada Dhexe qeybta kasoo horjeeda dowladda Federaalka iyo maamulka loo sameynayo Gobollada dhexe ayaa dagaal kedis ah saaka aroortii ku soo qaaday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud saacado yar ka hor inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh gaarin magaalada Dhuusamareeb oo socdaal shaqo uu ku joogo maanta.
Safarka madaxweynaha ayaan wax saameyn ah ku yeelan dagaalka qaraar ee Ahlu suna iyadoo amaanka Dhuusamareeb ay sugayaan ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo ciidamo boqolaal ah oo ka tegay Muqdisho.
[ad name=”HTML-2″]
Dagaalka ayaa ahaa mid ay Ehlu sunada mucaaradka ahi u diyaar garoobayeen muddooyinkii ugu danbeeyay kadib markii ay isaga baxeen Dhuusamareeb iyo Guriceel khilaaf ka dhashay siyaasadda dowladda federaalka oo ay ku kala qeybsameen xoogaggii Ahlu suna. Xaaladda Guriceel ayaa degan kadib markii dagaal xoog leh saaka ka dhacay ayna la wareegeen xoogagga soo weeraray. Qasaaraha dagaalka saaka ayaa la sheegay inuu sare u dhaafay 10 dhimasho ah. Waxaa isaga baxay Guriceel ciidamadii dowladda taabacsanaa iyo mas’uuliyiintii degmada.
Waqtiga ay dagaalka ku soo beegeen oo ah socdaalka madaxweynaha ee degaankaasi ayaa farriin cad u diraya Xasan Sheekh inuusan kaliya ku koobnaan sidii uu isugu keeni lahaa dhinacyad maamulka Gobollada Dhexe in la dhiso isku heysta, laakiin ay jiraan xoogag kale oo Gobolka jooga una baahan in xal loo helo doorkoodana laga siiyo maamulkaasi ama ugu yaraan lagu daro dib u heshiisiinta.
[ad name=”HTML”]