Monday, May 12, 2025

BANDHIGGA MUWAADINIINTA: Boqolaalka reer X/weyne ma waxaa loo qabtay in la sawirto mise in ammaanka la sugo?

-

- Advertisement -

Ciidamada Amaanka iyo Booliska AMISOM ayaa howgal balaaran saaka ka fuliyay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyadoo guri guri loo galay degmadaasi lana soo ururiyay dad gaaraya ilaa 500 ruux ah kuwasoo la geeyay saldhiga degmadaasi si loogu kala sooco.

Bandhigga-muwaadiniinta

[ad name=”HTML-2″]

Howlgallada noocan ah ee dadka faraha badan lagu qabto iyadoon loo meel dayin (mass arrests)  waxay ahaayeen xaalad dadweynuhu karaahsadeen oo Muqdisho ay soo maray xilliyo aan dheereyn, waxaana lagu xusuustaa inaysan waxba ku soo kordhin ammaanka caaasimadda marka laga reebo in dad fara badan oo aan denbi lahayn lagu tadaciyo.

- Advertisement -

Howlgalka saaka ee degmada Xamarweyne wuxuu ka danbeeyay kadib markii degmada deriska la ah ee Xamarjajab shalay lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka. Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xadgudub aan la qaadan karin ku ah in saf mar  loo soo ururiyo kadibna qoraxda lasoo tubo oo saxafiyiin loogu yeero si ay sawiro uga qaataan. Falka noocaasi ah kuma haboona shacabka muwaadiniinta ah iyo xuquuqdooda bani’aadamnimo. Guddoomiyeyaasha degmooyinka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadda cusub waa inaysan aqbalin in la dhibaateeyo shacabka oo sidaas loogu tunto xuquuqdooda.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer X/weyne iyo Muqdisho waa u samri karaan shaki la’aan ammaanka Qaranka  dartiis haddii howlgalku yahay mid madi ah oo arrin loo qaateen ah lagu daba jiro; waana uga tanaasuli karaan mararka qaarkood xuquuqdooda iyagoo danta guud hor marinaya…. laakin lama aqbali karo in shaqo laga dhigto boqolaal shacab ah oo nooc kasta leh  in la iska urursado iyadoo bar tilmaadeed cayiman jirin. kadibna sida xoolaha barxad laga buuxiyo dushoodana sawiro laga qaato askar iyo saxafiyiinba. Arrimaha noocan oo kale ahi waxay sii kala fogeynayaan shacabka iyo dowladda.

GOOBJOOGE.COM

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Sheegow Cali Axmed oo isagoo Maxbuus ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd ku geeriyooday Sheegow Axmed Cali oo loo yaqaano Jeneraal Sheegow, kaasoo u xirnaa dowladda.Marxuumka...

Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dowladda Soomalaiya iyo culimo kale ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho, iyagoo ka hadlay dagaallada Alshabaab...

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa loo doortay, kuna guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacday magaalada Addis...

Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in Dadka reer Falastiin laga rarro Marinka Gaza.Erdigan...

Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

Madaxweynaha cusub ee Somaliland  C/raxmaan Maxame C/llaahi (Cirro) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirrrada maamulkiisa oo guud ahaan ka kooban 28 Wasiir, wasiir ku...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul...

Mucaaradka Hubeysan oo la wareegay talada dalka Syria iyo Madaxweynihii oo baxsaday

Dowladii Syria ayaa burburtay aroornimadii saaka, kadib markii ay qabsadeen jabhadaha mucaaradka, isla markaana uu dalkaasi isaga cararray madaxweyne Bashaar Al-asad.Kooxda mucaaradka Suuriy ayaa...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you