Tuesday, May 13, 2025

Ahlu sunna oo shaacisay inay ka baxday shirka Cadaado ee maamul u sameynta Gobolada Dhexe

Wararka laga helayo degmada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ee shirka maamul u sameynta goboladda dhexe ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Sunna ay ku dhawaaqeen inay isaga baxeen shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee ka socday Cadaado.

ahlu-Sunna

Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen kooxda  Ahlu Sunna ayay ku caddeeyeen  inay si buuxda uga baxeen gebi ahaanba Shirka Cadaado ee Maamulka loogu sameynayo Gobollada Dhexe, waxayna arrintan sabab uga dhigeen in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka aysan wax tixgelin  siinin dhinacooda Ahlu Sunna. Ergada Ahlu Suna ay dib ugu laabanayaan degaanadoodii.

Ad

Dowladda Federaalka waxay ku eedeyeen in doorkii Ahlu Sunna ay iska dhega tireen, isla markaana aysan u cuntami karin qaabka ay wax u socdaan iyagoo ku wargeliyay dadka taageera Ahu sunna inaysan waxba ka quseynin shirka ka socda Cadaado.

Waxaa kaloo maanta Cadaado shir saxaafadeed ku qabtay Beesha Galmudug iyagoo waxba kama jiraan ka soo qaadeen war uu dhowaan sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ahaa inuu Madaxweynaha Galmudug uu is casilay, waxayna sheegeen inuusan Cabdi Qeydiid is casilin oo uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulkaasi, basle uu wax la qeybsanayo dadka goboladda dhexe.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON