Golaha Shacabka ee Baarlamaan Soomaaliya, ayaa maalinta berri ee Isniinta yeelanaya kulankoodii labaad ee Kalfadhiga 5aad, kadib markii uu kooram la’aan u baaqday fadhigii koowaad Sabtidii.
Xogheynta Baarlamaanka ayaa caawa shaacisay in Ajendayaasha kulanka berri ay kala yihiin: Warbixin looga dhageysan doono Guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaan Soomaaliya, iyo arrin cusub oo lagu soo daray taasoo ah hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Ajendaha Berri ee Baarlamaanka ayaan lagu soo darin oo alga saaray, mooshinkii xaaladda amniga oo ay soo jeediyeen xildhibaan gaaraya 17, kuwaasoo buuq ka dhaliyey kulankii hore.
Guddoomiya Mursal ayaan la ogeyn waxa uu uga hadli doono hadaljeedinta cusub ee la siiyey, laakiin xildhibaanno ku dhow ayaa sheegaya inuu qancin doono xildhibaannada wada hadal soo jeedinta iyo ajendaha cusub ee Amniga, taasoo u muuqata inaysan ku qanci doonin xildhibaannada mucaaradka ah.
Farriinta Xogheynta Baarlamaanka diray ayaa u qoran sida soo socota: Maalinta beri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 01-04-2019, waxaa jira kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa ah labo qodob oo kala ah.
1. Hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka.
2. Warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka.
Farriin kale ayaa lagu baajiyey kulanka taasoo lagu sheegay in la ogaaday inuusan kooram jirin.