Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afar Qodob ku darsaday Heshiiskii Doorashada ee ay 17-kii Septembar gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ka koobnaa 15-ka Qodob.
Afarta Qodob ee heshiiskaasi lagu lifaaqay oo ay ku saxiixnaayeen Guddoomiyeyaasha labada Aqal, loona qeybiyey ayaa nuxuroodu ahaa In doorasho dadban lagu dooranayo Baarlamaanka 11-aad iyo in Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisu sii dhammaanayo uu xilka sii heynayo inta laga dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad ee cusub iyo inay xilka sii heynayaan hay’adaha kale ee Dastuuriga ah( Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada). Wuxuu kaloo Heshiiskan u baahan yahay inuu saxixo Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa qodobaddasi lagu dari doonaan talo soo jeedin kale oo ku sabasan in la dhiso Guddi qaabllsan xalinta khilaafaadka Doorashada oo xal ka gaara Kuraasta la isku qabsado iyo Waqti loo cayimo doorashada oo jadwal loo sameeyo.
Xildhbaan C/raxmaan Odowaa oo fadhiga Baarlmaanka ka hadlay ayaa akhriyey Qodobka 3aaad ee lifaaqan, isagoo sheegay inuu u muuqdo mid lagu doonayo muddo kororsi oo ay fiicneyd inay si gobanimo lehu dhintaan, kana aaraan meesha.

HOOS KA AKHRISO


