Maamullada Galmudug iyo Ahlu suna ee madaxdoodu shirka uga socdo magaalada Jabuuti ayaa la sheegay inay gaareen heshiis is-faham guud ah.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay gaareen Heshiis hordhac ah, isla markaana ay harsan yihiin qoddobo muhiim ah sida awood qeybsiga labada maamul.
Qodobadda lagu heshiiyay ee guud waxaa ka mida:
1- In Magaca Galmudug la wada qaato, iyadoo Ahlu suna ay ka tanaasushay magacii dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe.
2- In Ahlu suna ay si rasmi ah uga mid noqoto maamulka Galmudug.
3- In Ahlu suna ay xubno isugu jira xildibaanno iyo wasiiro ku yeelato maamulka Galmudug
4- In Ahlu suna loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, iyo taliyeyaal iyo ku xigeenada taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Galmudug.
Waxaa weli harsan heshiis laga gaaro tirada xildhibaanada Ahlu suna soo magacaabeyso iyo wasiirada ay ku yeelaneyso maamulka cusub ee lagu mideysan yahay, waxaana qodobka awood qeybsiga uu yahay kan ugu adag ee horyaalla labada dhinac, waxaa kaloo wehlisa sidii caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb loogu shaqeyn lahaa.
Madaxweyne Xaaf ayaa la isla meel dhigay inuu booqdo magaalada Dhuusamareeb, iyadoo markaas kadib Axmed Shaakir iyo Xaaf ay wada tegi doonaan magaalada Cadaado.