Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Akhriso: Bayaanka Madaxtooyada diyaarisay ee lagu fashilyey shirkii Afisyoone (Akhrintii Wasiir Dubbe)

    Akhriso: Bayaanka Madaxtooyada diyaarisay ee lagu fashilyey shirkii Afisyoone (Akhrintii Wasiir Dubbe)

    April 7, 2021Updated:April 7, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo afjartay shirarkii hordhaca ahaa ee Afisyoone ee lagu tilmaamay gogolxaarka iyo kalsooni dhiska, loogana hadlayey in laga heshiiyo Ajendayaasha shirka Wadatashiga.

    Bayaanka fashilka shirka oo ay diyaarisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, waxaana bayaanka oo aad u dheer ka muuqada in maalmo ka hor la diyaariyey si maanta loo shaaciyo inuu shirku fashilmay.

    Farmaajo ayaa la sheeay inuu diday qodobadii muhiimka ahaa sida: Inay dowladu tahay mid kala guur xilgaarsiin ah iyo in Amniga Doorashda la damaanad qaado, taasoo keenay in shirka la isku mari waayo.

    HOOS KA AKHRISO

    Sida aad lawada socotaan bishii 7-aad ee Sannadkii hore ee 2020-kii waxa soo bilaabmay doodda ku saabsan Nooca Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka. Dowladda Federalka Soomaaliya oo rabtay in ay dalka u hoggaamiso barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxa qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ku dhageen in ay joojiso hannaankii metelaadda shacabka ee hal qof iyo hal cod, iyo curashadii koowaad ee hannaanka xisbiyada badan oo rajadiisu muuqatay. Waxaana Dowladda lagu riixay in ay ka leexato jidkii qummanaa una janjeersato hannaanka doorashada dadban iyo metelaadda kooban.

    Xilligaas waxa isu diiwaan geliyey hannaanka xisbiyada badan iyo ka qayb galka doorasho dadweyne oo hal qof iyo hal cod ah illaa 100 xisbi. Guddida Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa shaqada diiwaan gelinta u waday si xilkasnimo ah oo howlkarnimo ka muuqato.

    Laakiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland waxa ay diideen hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay ku adkaysteen in lagu laabto habraacii 2016-kii iyo doorasho dadban.

    Nin faras dabadiisa ka degey meel uga toosan buu waayaye, markii Dowladdu ku waafaqday Madaxda Dowlad Goboleedyada heshiiskii doorashada dadban ee ay iyagu soo qorteen ee 17-kii September si dalka doorasho wadar oggol ahi uga dhacdo waxay sidoo kale Maamul Goboleedyadaasi dedaal badan ku bixiyeen in dhinacyadii kale ee ay qusaynaysay aanay waxba ka beddelin Heshiiska, sidaasna lagu ansixiyo heshiiskii 17-kii September.

    Si loo dardar geliyo fulinta Heshiiskaas waxa Xukuumadda loo soo gudbiyey Guddiyadii Doorashada ee 3 Maamul Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland, laakiin nasiib darro mar kale Puntland iyo Jubaland waa ay diideen in ay soo magacaabaan Guddidii Doorashada.

    Si loo dardar geliyo fulinta heshiiskii 17-kii September Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeeray kulamo badan oo is daba joog ah, laakiin Madaxda Jubaland iyo Puntland waa ka baaqdeen kulamadaas marka laga reebo kii Samareeb oo ay xujooyin cusub la yimaaddeen.

    Ra’iisal Wasaaraha JFS wuxuu booqday inta badan Maamul Goboleedyada Dalka si doorashadu u bilaabanto. Laakiin nasiib darro Puntland iyo Jubaland way diideen in doorasho bilaabanto.

    Haddaba;

    Markii la sugayey labadaas Maamul Goboleed muddo 6 bilood ah oo intaas oo dhan lagu qancinayey fulinta heshiiskii ay saxeexeen ee 17-kii September

    Markii la isugu tegey Garoowe, Samareeb, Baydhabo iyo Muqdisho si isfahan looga gaaro qabsoomidda doorashada

    Markii ay dureen Ciidammadii Qalabka Siday si sharci darro iyo amni darro uga dhacdo Dalka

    Markii Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay jid iyo jiho diid noqdeen si loo fuliyo heshiiskii ay iyagu soo qorteen dalkuna doorasho u aado

    Markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu in kabadan 5 jeer gogol u dhigay Maamul Goboleedyada doorasho diidka ah, taas oo uu kula baxay magaca “Tanaasul Badane”

    Markii wax kasta oo ay codsadeen loogu oggolaaday is-fahankii Baydhabo ee 15-16-kii Febraayo si doorasho u dhacdo, laakiin mar kale ay Puntland iyo Jubaland diideen fulinta is af-garadkii ay ku soo saxeexeen Baydhabo.

    Markii ergo Madaxweynuhu u diray Madaxda Jubaland iyo Puntland kana koobnayd Madaxweyneyaasha saddexda Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay kala soo laabteen gacmo maran iyo natiijo la’aan.

    Markii illaa 3-dii April la wada fadhiyey Xarunta Avizione si xal loo gaaro, mar kale Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida. Arrimahaas oo marka la isu wada geeyo la macno ah “Dowlad la’aan”.

    Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

    Ugu dambayn

    Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

    Deni Doorashada Farmaajo Fashil shirkii Shirka Afisyoone Top Wasiir Dubbe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkii Afisyone oo la isu mari waayey iyo Xukuumadda oo fashilka ku eedeysay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe
    Next Article Puntland iyo Jubbaland oo shaaciyey War aanu fileyn Farmaajo. “Wuxuu Shirka maanta kusoo xirmay..” (Shir Jaraa’id)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo