Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»AKHRISO: Bayaankii Guddiga Aqalka Sare kasoo saareen Mooshinka Jawaari oo dhameystiran [5 Qodob oo ay dalbadeen]

    AKHRISO: Bayaankii Guddiga Aqalka Sare kasoo saareen Mooshinka Jawaari oo dhameystiran [5 Qodob oo ay dalbadeen]

    March 21, 2018Updated:March 21, 20184 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Aqalka Sare uu u saaray xallinta khilaafaadka xubnaha Aqalka Hoose, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen waxay ku faahfaahiyeen tallaabooyinkii ay qaadeen.

    Senator Maxamuud Axmed Mashruuc, ayaa wariyayaasha u sheegey in ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenada iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

    HOOS KA AKHRI BAYAANKA GUDDIGA AQALKA SARE


    Guddiga isagoo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 61-aad farqaddiisa 1aaD, waxaa uu guda galay xilkii loo igmaday, waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay dhammaan madaxda qaranka oo ay quseyso xal u raadinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

    Mas’uuliyiinta uu guddiga kulanka uu la qaatay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, guddoomiayah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey iyo Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

    Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad:

    Kulanka oo dhacay Maarso 17, 2018-kii, guddiga waxaa uu la qaatay guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad falan-qeyn ku wajahan sida khilaafka uu ku bilowday iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo .

    Guddiga waxaa uu guddoomiyaha ka codsaday in loo hoggaansamo sharuucda u yaalla golaha shacabka sida xeer-hoosaadka golaha shacabka Soomaaliya iyo Dastuurka KMG ah.

    Guddiga, guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka waxaa ay isla qaateen in muhiim tahay in la qaato mas’uuliyad wadareed ku wajahan in dalka laga badbaadiyo wax kasta oo dhaawici karo deganaashaha siyaasadeed iyo midda amni ee qaranka.

    Kulanka guddiga iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad:

    Waxaan ka wadahadalnay nuxurka muranka hareeyay golaha shacabka iyo sidii xal looga gaari lahaa.

    Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa uu sheegay in khilaafku uu salka ku hayo diidmada guddoomiyaha golaha shacabka ee sharciyadda mooshinka, guddiga waxaa uu ku war-geliyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad in ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka uguna baaqeen in ay u hoggaasamo xeer hoosaadka golaha shacabka .

    Kulanka guddiga iyo Ra’iisulwasaaraha:

    Maarso 18, 2018, Guddiga ayaa kulan la qaatay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay khilaafka golaha shacabka iyo inaysan saameyn hannaanka habsami u socodka dowladnimo, guddiga waxaa uu ku talo bixiyey in xarunta golaha shacabka lagu celiyo amnigeeda sidii uu ahaa.

    Ra’iisulwasaaraha waxaa uu ballan qaaday in uu ka howlgali doono sidii loogu soo celin lahaa ilaaladii horay u joogi jirtay xarunta golaha shacabka arrinkaasna uu kala xiriiri doono taliyaha ciidanka booliska.

    La Kulanka Guddiga madaxweynaha Jamhuuriyadda :

    Guddiga waxaa uu warbixin ku saabsan arrinta khilaafka baarlamaanka la wadaagay madaxweynaha, guddiga waxaa uu madaxweynaha uu ka codsaday in uu soo faro-geliyo kalana shaqeeyo guddiga sidii xal looga gaari lahaa khilaafka golaha shacabka.

    Madaxweynaha waxaa uu ballan qaaday in uu qaadanayo kaalintiisa Dastuuriga ah si loo xalliyo khilaafka golaha shacabka.

    Talo-soo-jeedinta Guddiga:

    Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan.

    1- Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay.

    2- Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka.

    3- Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada.

    4- Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro si waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka.

    5- Guddiga waxaa uu mar labaad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor.

    Mahadcelin

    Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra’isul wasaaraha iyo shacabka.

    Aqalka sare Guddi Aqalka sare Mooshin Mooshinka Jawaari Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHadal kasoo yeeray C/weli Muudey oo Dood cusub dhaliyay: “Anigoo ah ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka..!”
    Next Article Gen. Gorod: “Ciidamo isku khaldamay ayay ahaayeen, Wax yaroo rasaas ah isku riday, yaa idin soo gaarsiiyey idinka..” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo