Dowladda Kenya ayaa u yeeratay ergeygii ka joogay Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi ka dalbatay inuu dalkaasi isaga baxo.
Bayaan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu camaabeeyay falkii ay dowlada Soomaaliya iibka u gelisay Xuduudka ka tirsan Badda Kenya sida qoraalka lagu sheegay shirkii 7-da bishan Febraayo ka dhacay magaalada London, isla markaana waxay tallaabadaasi ku tilmaamay gardarro qaawan.
Bayaanka dowladda Kenya oo aad u dheeraa ayaa waxaa ka muuqata inay ka carootay kadib markii dowladda Somalia ay jawaab degdeg ka bixin weyday cabasho ay gaarsiisay safiirka Somalia ee Kenya iyo ergeyga Kenya u jooga Muqdisho oo ku saabsan xadgudubka Somalia ku sameysay xuduudkeeda Badda, waxaana Kenya loo sheegay in cabashadeeda si weyn loo tixgelin doono.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xaqiiqsatay in cabashadii ay u dirtay dowladda Somalia la iska dhega mariyey, taasina ay keentay inay go’aankan qaadato.
Xiisadda diblomaasi ayaa salka ku heysa dacwadii Badda Somalia iyo Kenya oo taalla Maxkamadda Adduunka, iyadoo Kenya ay hore u sheegatay qeyb ka mida Badda Soomaaliyeed, waxaana dacwad ku saabsan muranka xuduudeed ee labada dal uu hor yaalla maxkamadda Cadaaladda dunida.
Kenya ayaa hore laf ahaanteeda shirkado shisheeye qandaraas ugu siiyey in Badda ay sheegtay ee Somalia leedahay ay ka baaraan shidaal iyo Gas, taasoo ka mid ahayd dacwadda ay Somalai gudbisay.
Kenya ayaa mar kale isku qaldeysa qaxootiga Soomaaliyeed ee ay marti gelisay, Ciidamada ka jooga Somalia ee AMISOM ka tirsan oo ammaankeeda u soo galay Somalia iyo xuduud Badeed oo ay dooneyso inay Somalia kala wareegto.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA DOWALADDA KENYA

