Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa soo magacaabeen taliyaasha cusub ee Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.
Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlaya arrimo badan oo horyaal xukuumadda, waxaana kamid ahaa magacaabista taliyeyaasha ciidamada oo xilalkoodu ay muddo dheer qaateen.
XILKA LA MAGACAABAY AYAA KALA AH:
Taliyaha Booliska oo loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, iyadooTaliyaha Asluubta loo magacaabay S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.
Magacaabista Taliyaasha Nabadsugidda iyo Booliska ayaa in muddo ah la sugayay ,kadib markii xilalkii horey looga qaaday taliyaashaasi, sidoo kale waxaa la magacaabay taliyaha ciidanka Asluubta ah, iyadoo aan la sheegin in taliyihii hore xilka laga qaaday.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa isla maanta magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh, waxaana golaha horkeenay Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya.