Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Akhriso: Heshiiskii Doorashada 2020 iyo Cidda leh Dhaarinta xildhibaannada Federaalka

    Akhriso: Heshiiskii Doorashada 2020 iyo Cidda leh Dhaarinta xildhibaannada Federaalka

    March 16, 2022Updated:March 16, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ka hor yimid jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada Heer Federaal.

    Jadwalka ayaa asteynaya dhammeystirkaa Doorashada, Shahaado-siinta xildhibaannada labada aqal iyo Dhaarinta Xildhibaannada, waxaana 14-ka Bisha April loo asteeyay in la dhaariyo xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad.

    Haddaba Heshiiskii Doorashada ee Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ku gaareen Muqdisho Bishii Oktoobar ayaa caddeynaya cidda leh sameynta jadwalka iyo Dhaarinta xildhibananada.

    HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU DHISAY GUDDIGA FEIT (Qodobadda 14- 18)

    Qaab-dhismeedka Guddiga:

    1. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021, waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhex-dooranayaan Guddomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah (50%+1) ee xubnaha guud ee guddiga.

    2. Shirarka Guddigu waxay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirade guud ee Guddiga.

    3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/20211. Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.2. Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso.3. Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

    4. Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka.

    5. Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF.

    6. Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.

    7. Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.

    8. Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.

    9. Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.

    10. Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay.

    11. Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).

    12. Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka.

    13. Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.

    14. Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.

    15. Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka.

    16. Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.

    17. Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.

    18. Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal.

    Doorashada FEIT Guddiga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMidowga Musharixiinta oo taageeray Jadwalka Guddiga Doorashada FEIT & RW Rooble
    Next Article Beesha Cumar Max’ud oo Digniin culus u dirtay Siciid Deni, kana hor timid Guddiga Odayaasha..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo