Waxaa soo gabagaboobay wareegii koowaad ee tartanka koobka kubadda Cagta adduunka ee ka socda dalka Ruushka iyadoo ay wareegga labaad isu soo hareen 16 kooxood.
Kooxo loo saadaalinayey inay heer fiican gaaraan ayaa koobka isaga haray, halka kuwo kale ay iska xaadiriyeen wareega bug baxda ah ee labaad, waxaana ugu danbeeyay xulka Senegal oo ahaa dalkii ugu danbeeyay ee ka socda Afrika oo ku hara wareega koowaad.
Wareega labaad oo xulkii laga badiyo uu ka harayo koobka ayaa bilaaban doona maalinta Sabtida 30-ka June isagoo socon doona ilaa 3-da July, waxaana ciyaaraha ugu adag ka mida ciyaarta ugu horeysa ee dhex mari doona Faransiiska iyo Argentina iyo kulanka dhex mari doona dalalka Brazil iyo Mexico.
Wareega 16-aad koobka aduunka jadwalkiisa:
Sabti 30 June: France Vs Argentina (5:00 galabnimo xiliga geeska Afrika)
Sabti 30 June: Uruguay Vs Portugal (9:00 fiidnimo xiliga geeska Afrika)
Axad 1 Jul: Spain Vs Russia (5:00 galabnimo xiliga geeska Afrika)
Axad 1 Jul: Croatia Vs Denmark (9:00 fiidnimo xiliga geeska Afrika)
Isniin 2 Jul: Brazil Vs Mexico (5:00 galabnimo xiliga geeska Afrika)
Isniin 2 Jul: Belgium Vs Japan (9:00 fiidnimo xiliga geeska Afrika)
Talaado 3 Jul: Sweden Vs Switzerland (5:00 galabnimo xiliga geeska Afrika)
Talaado 3 Jul: Colombia Vs England (9:00 fiidnimo xiliga geeska Afrika)