Guddiga Doorashada heer Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dhammeystiray diiwaangelinta 12 musharraxoo u tartamaya lixda kursi oo doorashadooda Berri ka dhaceyso magaalada Baydhaba.
Lixda kursi ee kuraasta Golaha Shacabka iyo musharrixiinta la diiwaangeliyay ayaa kala ah:
1- Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Loxos) iyo Maxamed Ibraahim Aadan oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP050. Waxaa kursigan uu horay ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, iyadoo la filayo inuu kusoo baxo Axmed Loxos.
2 – Cabdisitaar Cali Xasan iyo Ismaaciil Ciid Maxamed oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop275, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan, iyadoo la filayo inuu kusoo baxo C/sataar Cali.
3 – Muqtaar Maxamed Guulee iyo Xueeen Cali Aadan ayaa loo diiwaan geliyay oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop183.
4- Jaamac Taqal Cabaas iyo Cabdi Cali Cumar ayaa u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop230. Waxaana kursigan hore ugu fadhiyey xildhibaan Prof. Abdurahman Adan Ibrahim oo laga reebay 21 sano markii uu ku fadhiyey
5- Xuseen Cali Aadan ayaa la guddoonsiyey Shahaadadda Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-183, waxaana la tartamaya Mukhtaar Maxamed Guuleed.
6 Aadan Maxamed Cali iyo Cabduqaadir Ibraahim Buule oo U-Tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-253.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA
