Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magacaabay ilaa 8 mas’uul oo isugu jira xoghayeyaal koowaad, labaad iyo la-taliyeyaal safiiro.
Sida ay muujinayaan dokumentiyo uu ku saxiixan yahay Wasiir Cawad ayaa la magcaabay xubnahan 13 iyo 27 July 2020, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in xilalkan uu wasiirka Arrimaha Dibadda magacaabay kadib markii ay dhacday xukuumadda uu ka tirsanaa, balse taariikhda laga dhigay inay ka horeysay xilliga ay dhacday xukuumadda.
Waxaa xusid mudan in xilka xoghayaha koowaad ee safaradda Turkiga laba jeer la magacaabay, iyadoo uu hore u jiray xilkaasi. Caadiyan xilliyada kal guurka ah ayey dhacdaa in xilal fara badan si boobsiis ah loo magacaabo.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA IYO XILALKA
1- Ibraahim Xasan Maxamuud = Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida dalka Turkiga
2- Nasra Maxamed Maxamuud = Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada
3-Axmed Ceydii Cusmaan= Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya dalka Cumaan
4- Axmed Cabdi Bille = loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalia, South Afrika
5- Culimo C/raxmaan Macalin = La-taliyaha safiirka Safaaradd Soomaaliya ee Talyaaniga
6- Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid = Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaalida, Turkiga
7- Farxaan Maxamed Diiriye = Xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaalida, Turkiga
8- Ibraahim Bashiir Shariif = La-taliyaha koowaad ee safaaradda Somaalida.